Koox hubaysan oo gudaha Magaalada Muqdisho kutoogatay Wiil dhalinyaro ahaa

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Deblay Hubaysan oo Magaalada Muqdisho kudishay Wiil Dhalinyaro ahaa Dilka ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay Degmada Hodn ee Gobolka Banaadir.

Wiilkaa Dhalinyarada ahaa ayaa waxaa lagu Dilay afaafka hore ee Gudigiisa oo kuyaalay  Xaafada Al barako ee Degmada Hodon waxaana dilkaa gaysatay Burcad Hubaysan oo doonayay in ay dhac u gaystaan sida aynu kasoo xiganay goobgogayaal goobta Dilku kadhacay kusugnaa.

Marxuumka ladilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamad waxaana Dadka deegaanku ay sheegeen in uu ahaa Wiil aad u firfircoon oo xaafada aad looga Qaran jiray.

Dilkaa Maanta ka dhacay Degmada Hodon ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili maalmihii dambe ay yaraadeen Dilalka ka dhaca Magaalada Mudisho mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxaya laamaha Amaanka oo ku aadan Dilkaa dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here