Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaalia oo ku dhaawacmay Weerarkii SYL&Qaraxyo laga maqlayo gudaha Hoteelka

    Weli waxaa socda Weerarkii Al Shabaab ay kusoo qaadeen Hoteelka SYL ee Magaalada Muqdisho waxaana weli Gudaha Hoteelka laga maqlayaa Qaraxyo iyo rasaas xoogan oo ay ridayaan shaqsiyaadka halkaa sooweeraray.

    Khasaare kaladuwan ayaa ka dhashay Weerarkii Caawa waxaana lasheegayaa in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo garay Dadkii Hoteelka kusugnaa.

    Dadka dhaawacmay waxaa kujira Xildhibaano kairsan Dowlada Federaalka Soomaalia waxaana Xildhibaandaa waxa kamid ah Xildhibaan Maxamuud Cali magan iyo Xildhibaan isaaq yacquub oo labduba katirsan Baarlamaanka Soomaalia.

    Dagaalku waa uu socdaa weli waxaana jira shacab badan oo losoo badbaadiyay oo ay Ciidamadu banaanka usoo saareen.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here