Barlamaanka Somalia oo u yeeray Wasiirka Warfaafinta

    Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa looga yeeray inuu hor-yimaado Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan shaaada Warbaahinta Qaranka.

    11 Xildhibaan ayaa Mooshin ka keenay Wasiirka, iyagoo qoraalka mooshinka ku soo lifaaqay dhowr qodob oo ku saabsan habdhaqanka Warbaahinta Qaranka iyo in aanay si cadaalad oo siman u soo bandhigin doodaha Golaha Shacabka, iyadoo Telefishinka SNTV laga sii daayo khudbadaha Xildhibaanada taageersan Xukuumadda.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here