Booliska Soomaalia oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Xalay ee Hoteel SYL lagu qaaday

    Booliska Soomaalia oo Shaaca ka qaaday in lasoo afjaro Dagaal xalay ay Al Shabaab ku qaadaadeen Hoteeka SYL ee Magaalada Muqdisho Dagaalkaa ayaa in lasoo afjaro waxa uu qaatay saacado badan wxaana weerarkaa ka dhashay Khaasaare isugu jira dhimasho iyo oo soo gaaray Dadkii halkaa ku sugnaa iyo Askar katirsan Ciidamada Dowlada.

    Qoraal kasoo baxay Taliska CiidankaBooliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in 5 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerarka soo qaadeen,isla markaana laba kamid ah banaanka hotelka lagu toogtay Saddex kalena ay galeen Gudaha Hotelka.

    Dadka weerarkii xalay ku dhintay oo ay Boolisku sheegin ayaa waxaa kamid ah Ex Garsoore Cabdulqaadir Cumar Cabdi iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here