Kala shaki xoogan oo soo kala dhexgalay Ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidanka Booliska kadib Weerarkii Xalay

Kadib Weerarkii Xalay ayaa waxaa bilaawday kala shaki soo kala dhex galay Ciidamada Dowlada gaar ahaan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidamada Booliska Soomalileed waxaana arintaa ay imaanaysaa Dagaalkii Xalay lagu qaaday Hoteel SYL.

Ciidamada Madaxtooyaha ayaa waxa ay Saakay kujiraan haygan xoogan waxaana adag in Ciidamo kale ay isticmaalaan Wadooyinka gala Madaxtooyada waxaan kordhaya kala shaki soo kala dhexgalay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo Ciidamada Booliska Soomaalia.

Arintaa ayaa waxa ay timid kadib Weerarkii Xalay Al Shabaab ay fuliyeen waxaana Weerarkaa fuliyay xubno Dablay hubaysan oo ku hubaysnaa Hubka Fudud waxaana u suurta gashay in ay galaan Gudaha Hoteelka SYI oo ay kudilaan Dad badan oo gudaha Hoteelka ku sugnaa.

Majiro wax war ah oo kasoo baxaya Ciidamada Illaalada Madaxtooyada oo ku aadan cida ay u fasaxayaan isticmaalka Wadooyinka gala Magaalada Muqdisho waxaana Markii hore aheeday wadadaasi mid furan oo ay isticmaalayeen Mus’uuliyiinta kala duwan ee Dowlada Federaalka Soomaalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here