Odowaa oo kahadlay Heshiiskii Maanta ay Wada galeen Dowlada iyo Maamulka Ahlusuun

    Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka Maxdweyne ee Galmudug ayaa waxa uu  kahadlay heshiiskii Maanta ee Dowlada iyo Maamulka Ahlusunna waxa uuna sheegay in lawada sugayay heshiiskii manta lawadagalay.

    Odawaa ayaa waxa uu kamid ahaa Musharixiin horay uga digay in fargelin lagu sameeyo dhismaha Maamul Galmudug loo dhanyahay waxa uuna hada sheegay in ay muuqto rejo ah dhisida Galmudug midaysan oo loo dhanyahay.

    Geesta kale Odowaa ayaa waxa uu kadegay in faragelin lagu sameeyo Xildhibaanda lasoo xulayo waxan uu kubaaqay in Beelwalba ay u madaxbanaanaato soo xulida Xildhibaankee waxa uuna rejo wanaagsan uu kamuujiyuay inladhiso Galmug midaysan oo loo dhanyahay.

    Hadalkaa kasoo yeeray Odowaa ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Maanta heeshiis Xor ah ay kala saxiixdeen Dowlada iyo Ahlusunna.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here