Warar kala duwan oo kasoo baxaya Dagaalkii Xalay Shabaab ay ku qaadeen Hiilweyne

    Waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan Dagaal Xalay Deegaanka hiilwayne oo hoostaga Degmada Balcad ku dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab waxaana ka dhashay khasaare isugujira dhimasho iyo Dhaawac oo labada dhinac ah.

    Tirada dhimashada ayaa waxa ay gaaraysaa ilaa iyo Shan ruux, waxaana Dadka halkaa ku dhinta kamid ah Labo,haween ah oo goobta Dagaalku ka dhacay kusugnaa.

    Al-Shabaab ayaa waxa ay qaateen saanada Mileteri oo taalay goobta ay Al-Shabaab Xalay ay Weerareen mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo kaSoo baxaya labada dhinac oo ku aadan Dagaalkii Xalay dhacay.

    Waxaa Saakay degan Xaalada tuuladii lagu dagaalamay waxaana sicaadi ah kusoo laabtay howlihii tuuladaa oo uu samayn xoogan ku yeeshay Dagaalkii xalay dhacay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here