Xayiraadihii Dowladdu soo saartay Jubbaland oo la dabciyay

    Waxaa Saaka dib usoo laabtay qeyb ka mid ah xiriirkii Dawlada Federaalka iyo Maamulka Jubbaland Kadib xayiraad Muddo bilo ah saarneyd Deegaanada Jubbaland.

    Wararka waxay sheegayaan inay tani ku timid isku soo dhawaanshiyo laga dareemay Kulamada Nairobi ku dhexmaray Axmed Madoobe iyo xubno kasocday Dawlada Federaalka Soomaaliya.

    Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa galabta ku dhawaaqday in dib loo fasaxay diyaaradaha Kismaayo iyo deegaanada Jubbaland oo Qasabka looga dhigayey inay soo maraan Muqdisho waa laga qaaday.

    Wasaarada waxay sheegtay in Dawlada ay hubisey Amniga islmarkaana ay arimaha qaar hore loogu amray diyaaradaha Kismaayo iyo Dhoobleey inay Muqdisho yimaadaan.

    Xanibaadaas ayaa waxay sabab ka dhigtay inay shaqo la’aan soo wajahdo Dhalinyaro Boqolaal ah kadib Xarumihii ay Kismaayo ka shaqeenayeen ay musalaf ku dhaceen.

    Dhawaan waxaa jirtay in Rugta Ganacsatada Jubbaland ay Fariin udirtay dawlada Federaalka si xayiraada diyaaradaha Jubbaland saaran looga qaado.

    Dhanka Siyaasada Jubbaland ayaa lasoo sheegayaa inay isku soo dhawaanshiyo jirto lagana yaabo inay Dawlada iyo Maamulka Axmed Madoobe heshiiyaan sida qorshaha uu yahay balse lagama hordhici karo waxa la isku afgaran doono.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here