Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo Go’doomiyeen Deegaano muhiim ah oo ku yaala Gobolka Gedo

    Wararka naga soo gaaraya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii la soo dhaafay ay  dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shaabaab.

    Al-shabaab ayaa waxaa Go’doon saameyn ku yeeshay dadka deegaanka geliyay Degmada Luuq, iyagoona gebi ahaan xiray Waddooyinka muhiimka ah ee soo gala iyo kuwa kabaxa Magaalada.

    Dad ku sugan Luuq oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in gudaha Magaalada ay ka jirto xaada adeg, isla markaana uusan jirin wax gaadiid ah oo kabaxaya iyo kuwa soo galaya, maadama Al-shaabab ay diideen in halkaas ay galaanka gaadiidka.

    Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in uu Go’ay Shidaalkii Magaalada lagu iibinaya, iyadoona gaadiidleyda ku sugan halkaas  ay arrintaas Walaac xoogan ay ka muujiyeen.

    Maamulka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in degmada laga qaado Go’doonka ay galsheen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here