Amaanka Dhuusa-mareeb oo aad loo adkeeyay kadib Qaraxyo Shalay Magaalada lagu fashiliyay

    Waxaa siweyn loo adkeeyay Amaanka Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug waxaana gudaha Magaalada lagu arkayaa Ciidamo huaysan oo ad u farabadan kuwaa oo looxilsaaray sugida Amaanka Magaalada Dhuus-mareeb ee Caasimada Maamulkaa.

    Ciidamadaa Magaalada lasoo dhoobay ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Shalay gudaha Magaaladaa lagu qabtay Qaraxyo ladoonayay in Magaalada lagu Weeraro waxaa sidoo kale lasheegay in Gacanta lagu dhigay Shaqsiyaadkii Qaraxyada diyaarinayay iyo Gurigii Qaraxyadaa lagu diyaarinayay.

    Tan iyo markii lasoo afjaray Khilaafkii Dowlda iyo Maamulka Ahlusunna ayaa waxaa Magaalada Dhuusa-mareeb laga dereemayay saasaanta heshiiskii ay wada gaareen Dowlada iyo Maamulka Ahlusunna waxaana Amaanka Magaaladu uu ahaa mid aad loo sugayay Maamlmihii lasoo dhaafay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here