Caamirooyin hor le oo cusub oo laga hirgeliyay Wadooyinka Magaalada Muqdisho

    Waxaa la sii badiyay Kaamirooyinka lagu xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo bil ka hor Kaamirooyinka tijaabadeeda lagu bilaabay wadada Maka Al Mukarama.

    Maanta ayaa wadooyin kale oo dheeraad ah waxaa lagu arkay Kaamirooyinka Qarsoon ee wadooyinka lagu xiro, kuwaasi oo lagala socdo dhaq dhaqaaqyada wadada.

    Qorshahan oo ay wado Hay,adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa waxaa loogu talo galay suggida ammaanka Magaalada Muqdisho inay qayb ka qaataan Kaamirooyinka.

    Wadooyinka gala Liido ayaa lagu xiray Kaamirooyinka, halka markii hore ay ku xirnaayeen wadada Maka Al Mukarama, xayndaabka Madaxtooyadda Villa Somaliya.

    Inkastoo hadda Wadooyinka Caasimadda Kaamirooyinkaan lagu xiray ayaa waxaa la sugayaa doorka ay ka qaataan suggida ammaanka Muqdisho.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here