Axmed Madoobe oo sicad u sheegay in Askar katisaneeday Ciidamada Jubbaland ay Al-Shabaab ku biireen

    Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxa uu eedayn kulul ujeediyay Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaalia waxa uuna tibaaxay in Dowladu burburin dhanwalba ah ay kuwado Maamulka Dowlada Goboleedka Jubaland.

    Waxa uu tibaaxay in waxa Dadkaan kala hagi kara uu yahay Sharciga iyo Dastuurka oo lagu dhaqmo waxa uuna siicad u tibaaxay in dhamaan Shuruucdii lagu heshiiyay ay ku tunteen Madaxda Dowlada ee hada talada Dalka Maamulaysa.

    “Dowladda ayaa carqalado iyo burbur amni waxaa ay ka wadaa Gobolka Gedo,runtii anagana in badan waxaan uga war wareegeynay in wax la xaliyo,balse Hubkii iyo ciidankii ku sugnaa qaarkood Gedo ay gacanta u galeen Al-Shabaab oo maalin walba ay soo sawiraan ayuu yiri”Axmed Madoobe.

    Waxaa sii xoogaysanaya oo meel sare gaaray Khilaafka u dhexeeya Dowlada iyo Maamulka Jubaland waxaana laysku Khilaafay Doorashadii ka dhacaday Magaalada Kismaayo maaraynteeda taa oo uu kusoo baxay Axmed Madoobe.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here