Maxaa kajira in Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaalia uu xaag kugalay Madaxtooyada

    Waxaa  saacadihii lasoo dhaafay soo ifbaxayay warar  sheegaya in Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaalia Mahad Cabdiraxmaan Aadan uju xoog ku galaly Villa Soomaalia.

    Taliyaha iyo Ciidamadiisa ayaa waxa ay isku dayeen in ay gudaha ugalaan Madaxtooyada si xooog ah waxaase lasheegay in ay ishor taageen Ciidamada koofiya casta soomaalia kuwaa oo ilaaliya Madaxtooyada.

    Geesta kale taliyaha ayaa waxa uu beeniyay Wararka sheegaya in uu xoog kugalay Madaxtooyada waxa uuna tibaaxay in aysan jiran cid xoog kugelikarta Madaxtooyada waxwalba oo dhaca.

    “Waxaan daba joogaa hadal been abuur ah oo ah in taliyaha ciidanka Asluubta laga celiyay Madaxtooyada Qaranka, waa dacaayad waa dulmi, waa aflagaaddo, waa xumaan dalka ka jirin dad abuuraya waaye, waa dad xumaan abuuraya, danta ay leeyihiin iyagaa og, dadkaas waxaan u fasirayaa inay yihiin dad dowlad diid ah, aniga madaxtooyada xoog kuma gelin, cid ii diidayna ma jirin”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta.

    Taliyaha ayaa waxa uu digniin udiray Dadka kashqeeya Warbaahinta kuwaa oo daabaca warar been abuur ah sida warka sheegaya in uu Taliyuhu Madaxtooyadsa Weeraray

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here