Xasan Cali Khayre oo Magaalada Geneva kulan kula qaatay Madaxweyne Erdogan

    Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay Madaxweynaha Dalka Turkiha Rajab Dayib Erdogan.

    Kulanka Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay xiriirka labada waddan,iskaashiga dhaqaalaha iyo amaanka.

    Waxaa madasha ay ku kulmeen labada mas’uul ku wehliyay Wasiirro la socday Madaxweynaha Turkiga iyo Wasiirro la socday Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

    Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca.

    Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Qadar uga qeybgalay Madasha Dooxa, waxaana uu kaddib uga sii gudbay Geneva halkaas oo uu ka socdo shirka Caalamiga ah ee Qaxootiga.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here