Al-Shabaab oo sheetay in ay Dileen 9 kamid ah Shaaqalaha Dowladda Dalka Kenya

    Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay weerar cusub oo ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya inay ku dileen 9 ruux oo ka tirsan Shaqaalaha dowladda Kenya.

    Rag hubeysan ayaa weerarkan ku qaaday dad la sheegay inay Kenyan ahaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujira Magaalada Gaarisa, waxaana halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falka.

    Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegtay sagaalka ruux ee la dilay inay ahaayeen Kirishtaan, islamarkaana dilkooda ay ka dambeeyeen Al Shabaab.

    Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Kenya, kaasi oo ay kaga hadlayaan dadkaan Shaqaalaha dowladda ee Shabaab ay dileen.

    Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaab ay ka fuliyeen gudaha Kenya waxa ay ku dileen illaa 11 qof oo ay kala dageen bas ay saarnaayeen.

    Ammaanka Gobolk Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa noqday mid sii xumaanaya, maadaama ay ku kordhayaan weerarada Shabaab halkaasi ay ka gaystaan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here