Ciidamada Amaanka Dowlada Federaalka Soomaalia oo irdaha isugu dhuftay Shirkada Hubaal Forex

    Ciidamada booliiska dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa albaabada isugu dhuftay dhamaan xarumaha shirkada Hubaal Forex trading kadib baaq iyo fatwooyin ay soo saareen culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo kutilmaamay ganacsiga shirkadaha sarifka qaabka online-ka kusameeya mid ‘xaaraan ah’.

    Baaqa culimada ayaa sidoo kale yimid xili ay jiraan shakiyo iyo walaacyo isasoo tarayey mudooyinkii dambe oo laga muujinayey lacagaha aadka ubadan ee ay shirkadahan oo ay leeyihiin dhalinyaro ay kaqaadaan bulshada iyo aaminaadooda oo muran badani kataaganyahay taasi oo kuqasabtay dowlada Soomaaliya iney soo saarto go’aanka lagu xiray xarumaha shirkada Hubaal.

    Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa habeenimadi xalay aheyd xabsiga dhigay dad isugu jiray shaqaale iyo waardiyeyaashii xarunta shirkada Hubaal iyagoo albaabada isugu dhuftay xarumahaasi kadib cabashooyin kasoo gaaray dad lasheegay iney lacago dhigteen Hubaal kadib markii mdaxa shirkadda Hubaal Forex Trading, Maxamed Ismaaciil Cali lasheegay inuu isaga tegay dalka Soomaaliya kadib markii shirkaddiisa oo oo ay hantideedu gaareyso 11 Million oo dollar ay dadkii maalgashaday billaabeen inay lacagtooda kala baxaan sababo la xiriira saluug ay ka qabaan bedqabka hantidooda.

    Maxamed Ismaaciil iyo labo masuul oo shirkadda kala tirsanaa ayaa la sheegayaa in ay la baxeen dhammaan lacagihii ku jiray xisaabaha keydka ay shirkaddiisu ku leedahey bankiyada Soomaaliya.

    Xogo laga helay dalka Kenya ayaa tibaaxay in Maxamed Ismaaciil uu 5-tii bishaan December 2019 safar ku tegay caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu geystay lacago kaash ah oo uu Muqdisho kala safray.

    Waxaa sidoo kale horay u jirtay in bishii September ee sanadkaan 2019 uu labo guri ka iibsaday xaafadda dadka ladani ku badan yihiin ee Hurlingham oo Nairobi ku taalla.

    Maxamed Ismaaciil oo 11-kii bishaan December Muqdisho kusoo laabtay, ayaa maalin kadib 12-kii December u safray dalka Turkey, waxaana la sheegayaa in uu hadda qorsheynayo safar uu ku gaari doono qaaradda Europe, si uu halkaas nolol cusub uga bilaabo.

    Msuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale tibaaxay in dowladu go’aan kugaartay in lamamnuuco dhamaan shirkadaha forex-ka iyadoo laga fogaanayo suurto galnimada ah in lalunsado lacagaha dadweynaha lacaguhu uyaalaan shirkadahaasi oo aad usoo kordhayey mudooyinkii dambe.

    Si kastaba ha’ahaatee, sanadihii lasoo dhaafay waxaa dadka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Somaliland iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya horay usoo wajahay arrimo la mid ah kuwa ay hada wajahayaan dadka kunool koofurta Soomaaliya, iyada oo ay dhaceen ganacso isugu jirtay Hindi iyo Soomaali.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here