Labo Wiil oo wada dhashay oo isku Dilay Magaalda Dhuusa-mareeb

    Xalay ayaa waxaa Magaalada Dhuusa-mareeb ka dhacay dil aad u foolxun waxaana dilkaa isku gastay labo Wiil oo wada dhashay.

    Dilka ayaa yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay labada Wiil ee wada dhashay waxaana murunku kusaabsanaa isqabaqabsi dhul waxaana ugu dambayntii murankii uu sababay in wiilashii Midkamid ah ladilo.

    Dilka kadib ayaa waxaa goobta isga baxsaday Shaqsigii Dilka gaystay waxaana Ciidamada Amaanka Maamulka Galmudug wadaan baaritaano laxariira arintaa ah wiilashaan isdilay iyo sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan kudhiiglihii Dilka gaystay.

    Dadka kunool Dhuusa-mareeb ayaa waxa ay aad uhadalhayaan dhacdadaan ka dhacaday Dhuusa-mareeb waxaana Dadka layaab kunoqotay in ay isdilaan labo Wiil oo wada dhashay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here