Magaalada Boosaaso oo lagu qabtay Qaraxyo ladoonayay in Magaalda lagu weeraro

    Ciidamada Amaanka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegeen in ay fashiliyiin qaraxyo ladoonayay in lagu weeraro Magaalada Boosaaso.

    Saraakiisha ayaa waxa ay tibaaxeen in qaraxyadaa ladamacsanaa in lageliyo gudaha Magaalada si dadka deegaanka loogu waxyeeleeyo waxaana qaraxyada lafashiliyay ay ahaayeen Miinooyin ladoonayay inlagu aaso wadada dhexmarta Magaalada.

    Dadka Deegan Boosaaso ayaa waxaa laga dalbaday in soo sheegaan marka ay arkaan waxayaabo Amaanka wax u dhibaya sida qarxyada iyo waxyaabaha lahalmaalo.

    Ciidamada Amaanka Boosaaso ayaa waxa ay Maalmihii lasoo dhaafay wadeen howlgalo Amaanka lagu xaqeejinayo waxa ayna hada sheegayaan in ay ka hortagayaan wax walba oo amaanka wax udhibaya.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here