Taliyihii Xabsiga dhexe oo shaqo joojin lagu sameeyay

    Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Maanta shaaciyey in Shaqada ay ka joojiyeen Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile,kaas oo eedeyn loo jeediyey.

    Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa kaasi oo kadib dhintay.

    Ehelada Bukaanka ayaa sheegay in markii Jeneraal Xirsiile uu la baxay Bukaanka uu u geeriyooday dayac iyagoo sheegay in aan la aasi doonin ilaa cadaalad ay u helaan marxuumka.

    Intaas ka dib maanta war ka soo baxay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba shaqadii laga joojiyay Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Cabdi Qani Maxamed Qalaf oo ah afhayeenka Ciidanka Asluubta.

    Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in guddi loo saaray baaritaan ku sameeya eedaha loo jeedinayo Jeneraal Xirsiile.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here