Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye Muudey oo gaaray Baydhabo

    Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudeey iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo ah Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

    Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudeey ayaa ka qeyb galaya Sanad guurada 1aad Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdi casiis Maxamed Xassan lafta gareen.

    Sidoo kale wafuud kale ayaa maanta Ku wajahan Magaalada Baydhabo

    Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa maamulka Koofur galbeed Soomaaliya

    Wafood kala duwan ayaa garay magaalada Baydhabo saacadihii lasoo dhaafay kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan sanadguuradii 1-aad ee xil heynta Madaxweyne Laftagareen.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here