Aqalka Wakiilada Mareykanka oo xilkii kaqaaday madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump.

    Aqalka Wakiilada ee dalka Mareykanka ayaa u codeeyay mooshin xilka looga qaadayo madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump.

    Cod u qaadida mooshinka ayaana timid kadib saacado lagaliyay dood adag. Aqalkan oo ay hogaankiisa hayaan Dimoqoraadiyiinta ayaa waxaa u codeeyay 231 kamid ah.

    Madaxwaynaha ayaa lagu eedeenayaa ku tagrifal awoodeed inkastoo isaga dhankiisa uu iska fogeeyay dhamaan eedeemaha loo soo jeediyay.

    Mooshinkan ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sare ee Senat’ka oo iyagana ka doodi doono una codeen doono bisha sooo aadan.

    Haddii mooshinkan sadax meelood labo meel ay u codeeyaan Golaha Senat’ka, Trump ayaa noqon doona madaxwaynihii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo xilka laga qaado isagoo talada haya

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here