CXD: Deegaano muhiim ah ayaan kala wareegnay Shabaab

    Ciidamada Xoogga dalka ayaa hawlgallo ay sameyeen waxa ay kula soo wareegeen tuulooyin hor leh, kuwaasi oo ay haysteen Al-Shabaab.

    Geelgub oo ah Tuulo qiyaastii 10KM u jirta degmada Cadale ee gobolka Shabeelladaha Dhexe ayaa ka mid ah meelaha ay la soo wareegeen Ciidamada Xoogga Dalka, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hawlgalkaasi hoggaaminayay.

    Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in hadda tuulada ay kawaadaan hawlgallo miino baadhis ah, waxaana ay sidoo kale sheegeen in tuuladani ay ahayd goob ay Al-Shabaab ka soo qaadan weerarada oo ku taalla Shabeellada Dhexe.

    Ma jiro warar ka madax banaan kan ay sheegeen saraakiisha dawladda Soomaaliya oo ka soo baxay Al-Shabaab.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here