Taliyihii ciidanka dhulka oo ka badbaaday Qaraxii Galkacyo

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ka badbaaday weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee caawa lagu qaaday mid ka mid ah Hoteelada Magaalada Gaalkacyo.

    Weerarkan ayaa lala beegsaday Hotel Global oo ku dhow Hotel Five Star ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana qaraxaasi ka dib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen ciidanka ammaanka.

    Hotelkan ayaa waxaa deganaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) iyo Saraakiil kale, waxaana la xaqiijiyay inay weerarkaasi ka badbaadeen.

    Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Dhacdo.com u sheegay in Taliyaha Ciidanka Dhulka uu ka badbaaday weerarkaasi, xaaladiisuna ay tahay mid wanaagsan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here