Wadfi reer Somaliland wadana gargaar lacageed oo gaaray Muqdusho

    Magaalada Muqdisho maanta barqadii waxaa soo gaaray wafdi ka socda Somaliland, kuwaasi oo sida deeq gar gaar ah.

    Wafdigaan oo culimo badan ayaa ka soo ambabaxay Magaalada Hargaysa ee Xarunta Somaliland, waxaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

    Wafdiga ayaa sida lacag cadadkeeda uu yahay 600,000 Doolar kuwaasi oo loogu talo galay in loogu gurmado dadka kala duwan ee Fatahaada saameysay.

    Xubnaha Wafdigaan, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland & qaar ka mid ah Culimadda Magaalada Muqdisho.

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here