Xiisado Dagaal oo mar kale laga dareemayo Dhuusamareeb

    Muqdishopost Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in abaabul dagaal oo iska soo horjeeda ay ka socdaan Magaalada Dhuusamareeb.

    Abaabulkan ayaa waxaa wada Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya iyo Xoogaga Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, iyadoo Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada Galmudug ay ku hardamayan dhismaha maamulka cusub ee lagu wado in loo yegleelo dadka reer Galmudug.

    Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in shalay iyo maantaba ay Magaalada Dhuusamareeb soo gaareen diyaarado wado ciidan aad u qabaleysan, oo Dowladda Federaalka ay ka dirtay Magaalada Muqdisho.

    Ciidamada Dowlada ayaa Magaalada Dhuusamareeb kaga sugan Aqalka Madaxtooyada, Xarunta Shiirkoole iyo Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur, halka Xoogaga Ahlu Sunna ay dhooban yihiin qaybaha kale ee magaalada.

    Xoogaga Ahlu Sunna ayaa dhinacooda dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gudaha Magaalada Dhuusamareeb. Madaxda Ahlu Sunna ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii duleedka Magaalada Dhuusamareeb ku soo bandhigay ciidan loogu magac-daray (Seefullaahi Ahlu Sunna).

    Goobta ciidamadan lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka soo muuqday Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, Gudoomiyaha Guud ee Majmaca Ahlu Sunna Waljameeca iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here