Faaf-faahino kala duwan oo kasoo baxaya Qaraxii Xalay kadhacay Magaalada Gaalkacyo

    Waxaa lagu soo waramayaa in uu kordhay Khasaaraha kadhashay Weerarkii Xalay lagu Qaaday Hoteelka Five Star oo kuyaala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Qaybta Galmudug.

    Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid aad u xoogan waxaana loo adeegsaday Gaari lagu soo raray walxaha qarxa waxaana Dadka ku dhintay ay gaarayaa 9 ruux halka qaraxaasi ayku dhaawacmeen Dad gaaraya 40 ruux waxaana Dadka dhaawaca iyo dhamashadu soo gaartay isugu jiraan Shacab iyo Ciidan ku sugnaa afaafka hore ee Hoteelka.

    Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 21aad ee xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaasi qaraxa ah ay ka badbaadeen Taliyaha Ciidamada Dhulka iyo taliyaha qeybta 21aad,hayeeshee ay ku waxyeeloobeen askar ka tirsan Ciidamadii la socday.

    Madax iyo Maamul sare ayaa waxa ay siwada jir ah uga taciyeeyeen Weerarkii Xalay lagu qaaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug qaybta Dowlad Goboleedka Galmudug.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here