Qarax Miino oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax miino.

    Qaraxaas ayaa la sheegay in lagu aasay goob qashinka lagu shubo oo ku dhegan Maqaayad shaah laga cabo oo ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka sare ee Ahlusunna ee Waljameeca.

    Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan Qaraxa lagu aasay meesha Qashinka.

    Lama sheegin khasaare ka dhashay Qaraxaasi ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

    Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota qaban qaabada la xiriirta doorashada maamulka Galmudug, waxaana si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaaladaasi

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here