Taliyaha Ciidamada lugta oo kahadlay Qaraxii lagu Khaarijinrabay ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

    Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ka warbixiyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay lagula eegtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Taliyaha ayaa sheegay in kolonyo gaadiid ah oo uu lasocday lagu soo weeraray gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay gaarigii uu la socday, balse uu ka badbaaday.

    Ilaa lix askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa ayuu sheegay inay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxaas, sidoo kale dad shacab ah oo tiradooda uusan shaacin ayuu sheegay in wax yeello ka soo gaartay qaraxaas.

    Wararka badaxa banaan ee aan heleyno ayaa sheegaya in dad ka badan lix ruux oo iskugu jiray askar iyo shacab ay ku geeriyoodeen qaraxaas, sidoo kale dhaawaca ayaa la sheegay inuu kor u dhaafayo 20 ruux.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here