Ciidamo ka tirsan P/land oo goostay wadada isku xidha Bosaso & Garowe

     Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo gaadoodsan ay goosteen deegaano ka tirsan gobolka Bari.

    Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goostay wadada isku xidha magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, iyagoona la sheegay in ay hakad galiyeen gaadiid badan oo isticmaalay wadadaasi.

    Guuto bari waa magaca ciidani, kuwaas oo dhawaan la wareegay guud ahaanba magaalada Boosaaso kadib dagaal dhex maray ciidamada Booliska iyo ciidamadani oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland.

    Wararkii ugu dambeeyey ee aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada gadoodsan ay jidgooyo dhigteen aaga degmada Carmo, waxaana ku xaniban goobtaasi gaadiid badan oo waday dad shacab ah oo safar ah iyo maciishad kala duwan.

    Ujeedkooda ayaan si rasmi ah loo ogeyn ciidamadani gadoodsan oo uu hogaamiyo Ciise Yulux, waxaana shacabku ay walaac xoogan ka muujinayaan arintani oo marar kala duwan ka dhacday deegaanada Puntland.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here