Maamulada Konfur Galbeed iyo Hiir-Shabeelle oo heshiis wada saxiixday

    Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa shir ku yeeshay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed,waxaana  shir guddoomiyey Madaxweynayaasha labada Maamul ee Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen.

    Waare iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa dhawaan Baydhabo kaga qeyb-galay munaasabad lagu xusayey sanad-guuradii 1aad ee markii xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed loo doortay Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen.

    Kulanka ayaa inta uu socday waxaa ay uga hadleen qodobo ay kamid ahaayeen  sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wadashaqeyn ee labada dhinac iyo iskaashiga dhinaca Amniga.

    Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed Ugaas Xasan oo kulanka ka Warbixinayey ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku heshiiyeen labada dhinac ay kamid ahaayeen isku furista wadooyinka iyo degmooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab.

    Labada Maamul ee Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay yihiin labada Maamul ee lagu tiriyo inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here