Mahdi Guuleed: Waan awoodna hir-gelinta Doorasho qof iyo cod ah

    Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku adkeystay in dalka laga hirgelin karo doorasho hal qof iyo hal cod, si ummadda Soomaaliyeed taladeeda qaataan oo cidii ay rabaan u doortaan.

    Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada ayaa ku faanay in haddii ay suurta geliyaan dib u habeynta amniga iyo nidaamka maaliyadda oo dhowaan deynta laga cafinayo ay qaban karaan doorasho qof iyo cod.

    “Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugeysaa in aanu u hirgelino doorasho qof iyo cod oo aan talada dib ugu celino, Waxaan rabnaa Ummadda Soomaaliyeed taladeeda inay qaataan oo ciddii ay rabaan doortaan, haddii aynu tartameyno oo dib ay noo dooranayaan oo shan sanadoodoo dambe oo halkii aan gaarsiinay meel kasii fog aynu gaarsiineyno ummadda Soomaaliyeed bay u taallaa laaakiin waa muhiim in dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo oo nidaamka xisbiyadu hirgalo”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

    Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo dhaxalka uu ka tagayo ay tahay in dalkaan ay ka hirgasho 2020 doorasho hal qof iyo hal cod, kuna saleysan tartanka Xisbiyada badan sida uu hadalka u dhigay.

    Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka doodayaa nidaamka doorashada, iyadoo dood badan ay ka taagan tahay in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod, iyadoo maamul goboleedyada ay sheegayaan in aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod, maadaama la heyn tirakoob sax ah, inta badan dalka aysan xor aheyn.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here