Maxaa looga hadlay kulankii Muqdisho ku dhex-maray Khayre iyo Soomaaliland

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka socda Somaliland ee u yimid taakuleynta ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

    Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka mahad celiyeen sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey magaalada muqdisho, iyaga oo sheegay inay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga dadka ay saameeyeen fatahadaha wabiyada.

    Wafdiga oo muqdisho yimid ayaa waxaa ay keeneen lacag dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen,taas oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada maamulka Somaliland.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyey gurmadka ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahadaha kuna amaanay doorka ay qaateen.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here