Shabaab oo weerar culus ku Qaaday deegaanka Goof-Gaduud Buureey

    Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta waxaa ay weerar ku qaadeen degaanka Goof-Gaduud Buureey, oo hoosyimaada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

    Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay fariisimo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen degaanka Goof-Guduud Buureey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

    Goobjoogayaal ayaa bogga Muqdushopost u sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro soo gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay inkastoo aan arintaasi la xaqiijin karin.

    Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegteen in ay qabsadeen degaanka Goof-Guduud, islamarkaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

    Al-shabaab waxay qoraalkooda ku sheegteen, in ay dileen ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed.

    Hayeeshee ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay  saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here