Dibad-bax xoogan oo ka socda Magaalada Jigjiga

    Waxaa maanta  magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida  ka bilowday Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayaan dadka deegaanka.

    Banaanbaxa oo aad u xoogan ayaa waxa uu ka socda waddooyinka magaalada iyadoo uu banaanbaxa yimid ka dib markii  masaajidyo Saddex ah oo lagu gubay kililka Axmaarada,waxaana banaanbaxa ay ka dhigayaan inta badan Xaafadaha Magaalada Jigjiga.

    Qaar ka mid ah dadka ka qeyb galaya dibad baxa ayaa waxa ay ku dhawaaqayaan Erayo lidi ku ah  Amxaarada, iyagoona maanta muujinayay dareenkooda sida ay uga xun yihiin Masaajidyada lagu gubey kililka Axmaarada.

    Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamo hor leh la soo dhigay wadooyinka, iyagoona isku daya in ay xakameeyaan dadka banaanbaxa dhigaya, waxaana la sheegayaa in ciidamada ay banaanbaxayaasha u adeegsanayan rasaas, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee dalka Itoobiya.

    Qaar ka mid ah culimada  ayaa muujinaya sida ay uga xumaadeen ficilada Masaajidyada gobalka Amxaarada lagu gubay, waxayna sheegeen in ficilkaas uu halis ku yahay daganaanshaha iyo wada noolaanshaha dadyow kala diinta ah eekunool dalka Itoobiya.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here