Warar kala duwan oo kasoo baxaya Dab kakacay Suuqa Magaalada Jowhar

    Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa sheegaya in xalay suuqa ugu weyn Magaalada uu ka kacay xoogan, kaasi oo gabi ahaanba gubtay.

    Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh iyo duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali iyo mas’uuliyiin kale ayaa tagay dhismaha uu dabku ka kacay oo ah guri ay leeyhiin qoys caan ka ah magaalada Jowhar.

    Dabkan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah aan loo ogayn sababta keentay ayaa waxaa ku gubtay dhammaan hantidii tiil goobahaas ganacsi oo isugu jirtey baqaarro lagu iibiyo qalabka dhismaha, farmashiyaal jumlo iyo tafaariiq ah, dukaan lagu iibiyo dahabka iyo dukaan lagu iibiyo bagaashka.

    Ugu dambayntii waxaa lagu guulaystay daminta dabka iyadoo mid ka mid ah dabdamisyada magaalada Jowhar uu qayb wayn ka qaatay daminta dabka.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here