Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Nabadoon lagu dilay Magaalada Boosaaso

    Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada Caanka ahaa Gobolka Bari.

    Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay xaafadda lagu magacaabo New Boosaaso, isla markaana waxaa Nabadoonka u geystay rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

    Allaha u naxariistee Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Caaqil Axmed Askar, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.

    Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa maalmihii dambe waxaa ka dhacaayay dilal qorshaysan oo loo gaysanayo Ciidamada amniga Magaalada iyo Mas’uuliyiinta ah

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here