Askari 5 kun oo shillin Soomali ah u dilay Wiil reer Jowhar ah

    Askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska Maamulka Hir-shabeelle ayaa Magaaladda jowhar ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa kalluumeysatada magaalada Jowhar.

    Falka Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Hantiwadaag ee Magaaladda Jowhar.
    Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal askari ayaa wiilka dhalinyarada ahaa u dilay 5-kun oo Shillin Somali ah,kadib markii uu diiday in uu bixiyo lacag baad ah.

    Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Yaasiin Muxumad Maxaad.
    Askariga dilka geystey ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxaana baadigoob ugu jira ciidamada booliska magaalada Jowhar.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here