Jubbaland oo diiday deeq daawo ah oo Dowladdu geysay Dhoobleey

    Wafdi uu hoggaaminaye wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta Muusiiboyinka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta deeq daawo ah gaarsiiyay isbitaalka Dhoobley.

    Wafdiga ayaa deeqda dawada ah waxaa ay ku wareejiyeen Maamulka degmada Dhoobleey,halkaas oo Shacabka uu saamneyn ku yeeshay fatahaad uu sameeyey Wabiga Jubba.

    Xubnaha wafdiga ayaa sidoo kale halkaasi waxaa ay ka sameeyeen howlo indha-ondheyn ah oo ay ugu kuurgalayeen Saameynta fatahaada ku yeeshaeen Magaalada iyo Nawaaxigeeda.

    Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in dowladda ay si deg deg ah uga jawaabi doonto baahiyaha ka jira degmadaas.

    Diyaaradan maanta deeqda Geysay Magaaalada Dhoobley ayaa qorshuhu ahaa in ay ka degto Degmada Afmadow balse waxaa diiday Maamulka Jubbaland oo sheegay in aan lagu soo wagalin

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here