Kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb

    Waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusa Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug , xili uu magaalada dhuusamareeb uu ku wajahan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

    Arintan ka dambeysay kadb markii shalay magaalada Dhuusamareeb ay gaareen wefdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

    Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa aad looga dareemayaa gudaha magaalada dhuusamareeb, waxaana la adeekayay ammaanka goobaha muhiimka ah ee magaalada Dhuusa-Mareeb.

    Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa marka uu tago magaalada Dhuusamareeb uu kulamo la qaato Xubnaha Hoggaanka Ahlu-sunna Wal-jamaaca iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu kala hadlo halka uu marayo dhismaha maamulka Galmudug.

    Safarka R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu ku aadayaa xili khilaaf xoogan uu ka taaganyahay aqbalaadda 20-kii xildhibaan ee dowladdu u qoondeysay hoggaanka Ahlu-Sunna.

    Waxaa jira weli cabasho ay muujinayaan qaar kamid ah beelaha Galmudug, taas oo ku aadan qaabka ay Ahlu-Sunna u soo xushay xubnihii laga siiyey baarlamaanka Galmudug.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here