Labo doorasho ayaa ii muuqata mid u ek kacaankii iyo ….

    Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay sharciga doorashooyinka ee hor-yaala Baarlamaanka Federaalka, kaasoo lagu wado in dhowaan la ansixiyo, isagoo caddeeyay in aanay Puntland aqbaleyn wax kasta oo ka hor-imaanaya shuruucda dalka iyo waxa dadka ku heshiiyay.

    Saciid Deni oo xalay ka hadlayay Kulan lagu lagu weydiiyay oo ay qabatay Hey’adda PDRC ayaa sheegay in dowladda ay dooneyso inay sameyso sharciyo doorasho aan lagala tashan dowlad goboleedyada.

    Waxaa uu sheegay in sharciga doorashada ee hada la wado uu yahay sida kii Kacaankii oo kale, sidaas darteedna la rabo Liis xiran laga dhigo qofka la dooranayo hal deegaan doorasho kaliya ka yimaado Xamar ama Xudur sida uu yiri.

    “Labo aragtiyadood ayaa xoog u socota, aragtidaas mid waa tii Kacaankii u ekeyd oo Liis xiran ah Xamar ama Xudur ha joogoo hal meel ayaa lagu wada ridayaa, hal deegaan doorasho ah, aad baan beryahan u maqleynaa oo ah mida dowladda ay riixeyso, xogta sida aan ku maqlayo dadka barnaamijkaas wada waa kaadiriinta Kacaankii barakeysnaa, waxaa kaloo dowladda ay leedahay maalmahan Xisbi weyn oo weyn ayaa fureynaa, malaha Xisbigaas waxaa u qaatay waa Kii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed”ayuu yiri Saciid C/llaahi Deni.

    Madaxweyne Deni aya sheegay in xeer doorasho inta aan la sameyn ka hor loo baahan yahay Dastuur dadka yeesho, dastuurkaas afti loo qaado oo nidaam doorasho dastuurkaas ku saleyn leh iyo nidaam xisbiyadeed oo qayaxan la helo

    “Xeer doorasho inta aan la sameysan waa in la helaa dastuur dalka yeesho, dastuurka marka afti loo qaado oo dastuur dhameystiran noqdo waa in nidaam doorasho dastuurkaas ku saleysan la helo iyo nidaam xisbiyadeed oo qaxayan, waxaa imaanaya doorasho aan la isku khilaafsaneyn oo aas aas dastuuri leh”ayuu yiri Saciid Deni.

    Waxaa uu sheegay inuu maqlay in sharciga doorashada la rabo in loo codeeyo maalinta Sabtida ah, isagoo is weydiiyay sidee Xeer doorasho loogu codeynayaa iyadoo habraaca sharciga uusan marin, isla markaana dastuurka lagu heshiin.

    Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan Baarlamaanka ay u ololeylayaan in 4.5 laga dhigo xeer, waxaana uu xusay in maalmaha soo socda ay go’aanka Puntland ee ku aadan arrintaas uu caddaan doono.

    Dhinaca kale waxaa uu xusay inuu socdo qorshe xubno ka soo jeeda deegaanada Puntland ay doonayaan in kuraastooda Baarlamaanka la geeyo Muqdisho, si looga doorto, waxaa uu xusay in aanay Puntland aqbali doonin maqaar-saar sida uu hadalka u dhigay.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here