Warar kala duwan oo kasoo baxay Qarax gil-gilay Muqdisho

    Faah faahino hordhac ah ayaa laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo saaka ka dhacay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

    Qaraxaas oo ahaa mid aad u xoogan ayaa Jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana uu sigaar ah uga dhacay Bar Koontarool oo Canshuuraha lagu qaado oo ku taalla Isgoyska Ex- Koontarool .

    Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxaas uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badan shacab oo ay ku jiraan Arday

    Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa laga arkayay uuro Madow oo cirka isku shareertay, waxaana goobta ka socda gurmad xoogan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here