Dowlada Dalka Jabuuti oo war ka soo saartay Weerarkii Shalay Muqdisho ka dhacay

    Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee sababay dhimashada badan.

    War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in ujeedada weerarkaas ahayd in lagu wiiqo xasilloonida Soomaaliya.

    Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in dalkiisu ay ka go’antahay taageeridda Soomaaliya inta ay ka heleyso xaslliini amni.

    Waxaa uu xusay in qaraxyada iyo weerarrada dhimashada badan sababaya ee ka dhacaya Soomaaliya ay tahay in su’aal la iska weydiiyo.

    Mr Geelle ayaa tacsi u diray ehelka dadkii ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay maagaalada Muqdisho.

    Dowladda Jabuuti waxaa ay ka mid tahay Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ku jira Howlgalka AMISOM.

    Guddiga gurmadka degdegga ah ee ay sameysay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Muqdisho shalay dadka ku dhintay ay ku dhowyihiin 80 qof.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here