Faah-faahino kala duwan oo laga helayo Dagaal Gobolka Hiiraan ka dhacay

    Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyay Al-shabaab iyo Macwiisleyda xalay halkaas uu ka dhacay.

    Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii Macwiisleyda ay weerar ku qaadeen Saldhig Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan, isla markaana waxaa ka dagaalkaas uu socday muddo kooban.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac hasse ahaatee lama sheegin tiro rasmi ah oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalka.

    Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jira xoogag hubeysan oo aan aheyn ciidamada dowladda kuwaa oo dagaal kula jira Ururka Al-shabaab islamarkaana kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ay horay gacanta ugu hayeen.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here