Dagaal culus oo ka dhacay Dhuusa-mareeb iyo xaalada oo kacsan

    Tacshiirada ayaa ka dhalatay Khasaaro Hal Askari oo ku dhaawacmay sida la sheegay iyadoo muddo Xaaladu cakirneyd.
    Ciidamada Ahlusuna Ee deggan Xarunta Inji uu ku shaqeeyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Ciidan Katirsan Kuwa Dawlada ayaa kala shaki soo kala dhex galay ay is rasaaseeyeen.
    Markii dambe ayaa saraakiisha Ciidamada ay ku baxeen oo xaalada la dejiyey,xilli Ra’iisal Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre uu caawa ku hoyanayo Magaalada Dhuuso mareeb.
    Doorashada Galmudug ayaa ka socota Dhuuso mareeb,iyadoo Amniga aad loo adkeeyey oo ciidamo aan is weji aqoon ay magaalada wada sugayaan Nabad gelyadeeda taas oo ka dhalan karta isku dhacyo la mid ah tii caawa dhacday.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here