Dagaal u dhexeeya Wadamada Turkiga iyo Imaaraadka Carabta oo ka qarxay Soomaalia

    Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa soo caga dhigatay diyaarad ka timid dalka Qatar oo sida dhaqaatiir Caafimaad iyo Daawo badan oo loogu talagalay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

    Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa wafdiga la socday diyaarada Qatar waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan dowladda, Xildhibaano, Madax ka tirsan Beesha Caalanka, Guddiga Gurmadka Qaran iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

    Sidoo kale diyaaradan ayaa Muqdisho ka qaadi doonta qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Sabtia ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan.

    Dowladda Soomaaliya ayaa shalay dalka Turkiga u qaaday qaar kamid ah dhaawacyadii cuslaa ee ku waxyeelloobay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Isgoyska Ex koontarool Afgooye ee Muqdisho.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here