Duqaymo Al-Shabaab lagula eegtay Gobolada Jubooyinka iyo Warar kala duwan oo laga helayo

    Duqaymo hor leh ayaa waxaa la soo sheegaya in diyaarado dagaal ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen Degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo Jamaame oo ka kala tirsan Gobolada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

    Diyaarado dagaal oo aan la shaacin dalka laga leeyahay ayaa garaacay xarun ay Ururka Al Shabaab ku leeyihiin Degmada Jilib. Xaruntan ayaa ka mid ah koobaha ay hubka ku keydsadaan Shabaabka.

    Wararka ayaa sheegaya in duqayntaasi lagu dilay tiro ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, inkastoo ay adag tahay in xog dheeri ah laga helo tirada saxda ah ee halkaasi lagu dilay.

    Duqayn kale ayaa waxay ka dhacday Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe, ka dib markii la garaacay saldhig ay ka hawlgalaan dagaal-yahanada Al Shabaab.

    Isla xalay weerar kaloo dhanka cirka ayaa xarun lagu tababaro mintidiinta Al Shabaab lagula beegsaday Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

    Dagaal-yahanada Shabaabka oo goobahaasi gaaray ayaa isu gadaamay, taasoo adkeynaysa in macluumaad faah faahsan laga helo khasaaraha ka soo gaaray Shabaabka ka dagaalamaya dalka.

    Saraakiil Militariga Somaliya ka tirsan ayaa laga soo xigtay in duqaymahan ugu dambeeyay lagu bartilmaameedsaday goobo ay maamulaan Shabaabka, laguna dilay Saraakiil iyo dagaal-yahanaba.

    Duqaymahan ayaa waxay ku soo aadayaan, xilli diyaaradaha dalka Mareykanka ay Gobolka Shabellaha Hoose ka fuliyeen illaa saddex weerar. Lba ka mid ah weeraradaasi waxaa laga fuliyay Deegaanka Kuunyo Barrow, halka midka kalena uu ka dhacay Deegaanka Caliyow Barrow.

    Weeraradan ayaa waxay ku soo aadayaan, ka dib ismiidaamintii dadka badani ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

    SHARE Facebook Twitter

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here