Gudiga Gurmada Qaraxii Ex-Kontorool Afgooye oo Shaaciyay tirada Dadka Nolol iyo Geeri anaan lagu hayn

    Guddiga Gurmadka Qaraxii Isgoyska Excontrol Afgooye, ayaa sheegay in la la,yahay 20 ruux nolol & geeri.

    Warbixintaan ayaa Guddiga waxa ay ka heleen dadka taleefoonada kala soo xiriiray, kuwaasi oo baadigoobaya dadkii eheladooda ah ee ay ku waayeen Qaraxii ka dhacay Isgoyska Excontrol Afgooye.

    Sarkaal u hadlay Guddigaasi oo lagu magacaabo Muqtaar, ayaa waxa uu sheegay 20 ruux nolol & geeri in aan lagu hayn, kuwaasi oo ehelkooda ay la soo xiriireen.

    Dadka maqan waxa uu sheegay inay ku jiraan sideed carruur ah oo waalidkood ay baadigoobayaan, islamarkaana nolol & geeri aan la haynin.

    Waxa uu sheegay Isbitaalka Madiina inay yaalaan maydad la aqoonsan waayay, sidaas awgeed dadka ehelkooda uu ka maqan yahay inuu ku wargelinaayo inay tagaan Isbitaalkaasi oo ay soo eegaan maydadka.

    Isbitaalada Muqdisho ayaa wali waxaa dhex wareegaya dad raadinaya ehelkoodii oo ay ku waayeen qaraxii Isgoyska Excontrol Afgooye

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here