Maxaabiis Shabaab ah oo Xabsiga Dhexe ka baxsatay iyo Dowlada oo ku raadjoota

    Wararka naga soo gaaraya Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta ay ka baxsadeen Saddex Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe.

    Maxaabiista ka baxsatay Xabsiga Dhexe ayaa waxaa la sheegay inay ku eedeysnaayeen kamid ahaasha Al-shabaab, waxaana gacanta lagu dhigay mid kamid ah Maxaabiista xili uu ku sugnaa agagaarka Kawaan Malaayga Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir

    Sidoo kale Ciidanka amniga dowladda Soomaaliya ayaa raadinaya labada kale ee Maxaabiista ah ee ka baxsatay Xabsiga, waxaana mid kamid ah lagu xukumay xabsi daa’in ah, halka kan kale uu ku xukuman yahay 15-sano oo xabsi ah.

    Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Xabsiga dhexe oo ay hadlayaan Maxaabiistan baxsatay, iyadoona ay adegtahay in laga baxsado Xabsiga Dhexe ee Xamar oo amnigiisa aad loo ilaaliyo.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here