NISa oo shaacisay in Dalal shisheeye ay soo abaabuleen Qaraxii ka dhacay Ex-contorool Afgooye

    Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa Goordhow sheegtay in qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho uu qorshayntiisu lahaa Dal shisheeye.

    War qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Madaxda Qaranka u gubisay waxbixi bilow ah oo tilmaamaysa in Qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye.

    Sidoo kale War kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay inuu socdo baaritaano la xiriira xogta ah in qaraxaas uu ka dambeeyay Dal shisheeye, isla markaana ay la kaashan doonaan Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.

    “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye. Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.” Ayaa lagu yiri War kasoo baxay NISA.

    Wargaysyada dalka Turkiga kasoo baxa ayaa daabacay in xogo ay heleen oo ay ku sheegayaan in qaraxii dadka badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ay ka dambeyso dawlada Imaaraatka Carabta oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda hawlaha ay dawlada Turkigu ka wadaan Soomaaliya iyo dalal kale.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here