Madaxweynaha Cuba oo Farmaajo iyo Uhuru kala hadlay Dhaqaatiirta ka maqan

    Madaxweynaha Dalka Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa xaqiijiyay in wadahadal qadka Taleefanka ah uu la yeeshay Madaxweynayaasha Waddamada Kenya iyo Soomaaliya.

    Qoraal uu ku daabacay Boggiisa Twitterka Maanta oo Talaado ah waxaa uu ku sheegay in labada Madaxweyne uu ka wareystay xaaladda ay ku suganyihiin Dhaqaatiirta labada ah ee u dhashay Dalka Cuba kuwaas oo laga qafaashay gudaha Kenya laguna hayo gudah Soomaaliya.

    Madaxweyne Miguel Díaz-Canel, ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in labada Madaxweyne uu kala hadlay sidii labadaas dhaqtar iyaga oo badqaba ay dib ugu laaban lahaayeen dalalkooda.

    Bishii April ee sanadkan ayaa labada Dhaqtar laga afduubtay duleedka Magaalada Mandheera,waxaana Dowladda Kenya ay sheegtay in labada Dhaqtar lagu hayo meel ka mid ah Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

    Dowladda Kenya ayaa iska diidday in ay madax furasho ka bixiso Dhaqaatiirtaas iyada oo sheegtay in siyaasaddeeda arrimaha dibadda aysan ka mid ahayn bixinta Madaxfurasho, sidaas darteedna ciidankeeda sida gaarka ah u tababaran soo furan doonaan Dhaqaatiirta u dhashay Cuba iyo Gabar Talyaani ah oo iyana la qafaashay 20kii Novermber 2018.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here